Video:-Miisaaniyada Dawlada Puntland oo si hufan maanta Baarlamaanka la horgeeyay

Maanta Wasaarada Maaliyada Dawlada Puntland waxay horgaysay Baarlamaanka miisaaniyadii 2016.

Kusimaha wasiirka Maaliyada Cabdulaahi Shiikh oo uu waheliyo wasiir ku xigeenkiisa ayaa Xildhibaanada ka hor akhriyay dakhligii soo xarooday Janaayo ilaa Desember 2016 iyo Kharashkii Dawlada ee Janaayo ilaa Desember.

Hadaba Kutalagalka Misaaniyada oo ahaa Todobaatan milyan oo Dolar(70.000.000). ayaa waxaa ku yimid is dhin gaaraya sagaal milyan oo dolar.(9000.000).

Isdhinkaas ayaa ka yimid madaxyada kala ah:-

A.Madaxa Baanka Aduunka

B.Madaxa dhooofka Xoolaha.

C.Madaxa canshuurta isgaarsiinta.

D.Madaxa canshuurta Kaluumaysiga.

E.Madaxa canshuurta cashuurta iibka (Sales tax)

Si gaar ah waxaa isdhinka ugu weyn la oran karaa waa kaga yimid miisaaniyada lacagtii laga filayay Baanka Aduunka taasoo gaaraysa isdhin ah 8000.000 sideed milyan oo dolar.

Si kastaba ha ahaatee dastuurka Puntland ayaa u ogolaanaya wasiirka maaliyada ee Baarlamaanka kalsoonida kala laabtay in uu sii shaqeeyo tan iyo inta uu xilka ku wareejinayo masuul kale.

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo ka hadlay xisaabxirka misaaniyadda 2016-ka ee loo soo gudbiyay Baarlamaanka, wuxuu tilmaamay in barlamaanku ay saddex maalmod gudahood ay kaga soo baaran degi doonaan xisaabxirka. sidoo kale qaar ka mid ah xildhibaanadda ayaa qiray in qaabka uu wasiirku u soo gudbiyay xisaabxirka ay ka hufnayd qaababkii markii hore uu usoo gudbin jireen,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka