Dhagayso:-Alshabaab oo go’doomiyay deegaanka uu ku sugan yahay Mukhtaar Rooboow

Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur ayaa la sheegay in uu iska diiday codsi uga yimid xoogagga Al-shabaab oo ka dalbaday in marka kale uu ku soo biiro ururka, kaddib markii dhawaan dowladda Mareykanka ka qaadeen xayiraadii saarneyd.

Guddoomiyaha degmada Xuddur Maxamed Macallin Axmed oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka codsadeen Mukhtaar Rooboow in uu dib ugu noqdo kooxda, hasse ahaatee uu arintaa ka soo horjeestay.

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay ku hareereysan yihiin deegaanka uu ku sugan yahay Mukhtaar Rooboow oo ku dhaw degmada Xuddur ee gobolka Bakool.

‘’Waxaa nagu maqaalo ah in Al-shabaab ay ku cadaadinayaan Mukhtaar Rooboow in uu mar kale ku soo laabto ururka isagana uu ka diiday, arintaas ayaa shaki badan nagu heysa, waxaana deegaanka uu ku sugan yahay ku hareereysan xoogag ka tirsan Al-shabaab’’ ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xuddur,hoos ka dhagayso codka Gudoomiyaha.

Halkan ka dhagayo codka Gudoomiyaha Xudur