Maxkamada-sare ee Fadaraalka oo si adag uga hor timid go’aankii Baarlamaanka Fadaraalka

Maxkamadda sare ee Somalia ayaa markeeda ka soo horjeesatay go’aankii maanta ka soo baxay baarlamanka federaalka oo diiday in lagu laabto doorashada sideed kursi oo muran uu ka taagnaa kaasoo maxkamadu ay horey u ogolaatay.

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda sare oo ku saxiixnaa gudoomiyaha maxkamadaas Ibraahimn Iidle suleymaan iyo garsoorayaal kale ayaa lagu sheegay iney sidoodii u dhaqan galaayaan labadii go’aan ee ka soo baxay Maxkamadda sarre iyo Xeer ilaalinta Qaranka ee soo baxay bilihii Janaayo iyo May ee ku aadanaa In dib loogu laabto doorashada sided Xildhibaan.

 

 

Halkan hoose ka akhriso:-