Video:-Talyihii Booliska Minneapolis oo si casishay

Taliyaha ciidanka booliska magaalada Minneapolis Janee Harteau ayaa cadaadis uga yimid duqa magaalada dartiis is-casishay oo xilka ka dagtay, kadib markii Maxamed Nuur oo ah Soomaali ka tirsan booliska Minneapolis la sheegay inuu dil u geystay haweenay caddaan ah oo Ausralia u dhalatay.

Dilka haweenaydan ayaa xiisad badan ka dhex-abuurtay booliska Minneapolis iyo bulshada magaalada.

Duqa magaalada Minneapolis Betsy Hodges ayaa sheegtay in taliyaha boolisku ay lumisay kalsoonidii dadka Minneapolis oo aanay hoggaamin karin booliska, sidaas darteed-na ay tahay inay xilka ka dagto.

Duqa Minneapolis Betsy Hodges ayaa taliyaha booliska u magacowday Medaria Arrandonda oo hore u ahaa taliye kuxigeenka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka