Video:-Xildhibaanada Baarlamaanka Fadaraalka oo laalay go’aankii maxkamada sare

Xildhibaanada oo maanta dood ka yeeshay arrintaasi ayaa isku raacay in aanan dib loogu laaban guud ahaan doorashadaasi sideeda Kursi, waxayna cod aqlabiyad leh ku laaleen amarkii Maxkamadda Sare.

Suxufiyiinta ku sugan Xarunta Golaha Shacabka ayaa soo sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, sidoo kale ay ansixiyeen sharciga loo maraayo, haddii uu banaanaado kursi ka mid ah Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u muuqata inay isugu hiiliyeen sifo aanan sharci ahayn, oo ay suuragal tahay Xildhibaan kasta inay qabsan karto, haddii aanay maanta ka biyo diidan awaamiirta Maxkamadda Sare.

Magacyada sideeda Xildhibaan:-

Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir
Maxamed Saciid Cabdullahi
Maxamed Axmed Abdtidoon
Nadiif Aadan Isaaq
Muna Khalif Sheekh Abu
Cabdicasiis Saalax Carmaan
Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale
Samra Ibrahim Cumar

 

 

 

Hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka