Juxa oo ku adkaystay go’aankisii iyo Xoghaye Yaxye oo xil kale loo balan qaaday

Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonaan karo waxaa soo afjarmay khilafakii iyo buuqii ka dhashay xilak qaadistii uu ku sameeyay wasiirka Arimaha Gudaha Fadaraalka Cabdi Faarax Juxaa Xoghayihii joogtada ahaa ee wasaaradaas.
 
Sida xogta sheegayso khilaafka ayaa lagu xaliyay wada xaajood hoose,iyadoo Xoghayaha xilka laga qaaday loo balan qaaday in loo magacaabi doono xil kale.
 
Yaxye Cali Ibraahim ayaa aqbalay maanta xilka qaadsita,iankstoo uusan samayn xil wareejin buuxda oo saxaafada loosoo bandhigay hadana waxaa shaqadisii maanta si toos ah u buuxiyay C/llaahi Maxamuud Xasan Azhari Xoghayaha KMG ah ee uu sii magacaabay Wasiir Juxaa.
 
Xilka Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Gudaha Fadaraalka ayaa waayadan danbe waxay ahayd meel buuq iyo si haysi ka taagan yahay,sidaanoo kale Yaxye Cali Ibraahim markii xilkan loo dhiibayay waxaa laga qaaday Ismaaciil Jimcaale Calasow,iyadoo ay ka dhalatay xiligaasna buuq iyo is qabqabsi waxaana markii danbe lagu xaliyay in xil loo magacaabo Ismaaciil Jimcaale Calasow.
 
Sida warku sheegayo Wasiir juxaa ayaa ku adkaystay go’aankisii waxaana arinka soo dhexgalay oo dhexdhexaadin ka galay Rw khayre.
 
Dawladnimada Soomaaliya ayaan wali si dhab ah u saldhigan,waxayna ku socotaa tanaasul iyo xeer jabjab hoose.