Trump oo laga adkeeyay il walba oo uu Ruushka danaheeda dabac uga muujin karo

Hoggaamiyeyaasha labada xisbi ee aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa gaaray heshiis sharciyeed si aad ah u xaddidaya awoodda madaxweyne Trump ee ah inuu cunaqabateynta ka qaado Ruushka.

Aqalka Wakiillada ayaa lagu wadaa in maalinta Talaadadada ah uu cod u qaado hindise-sharciyeed oggolaanaya cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogo xukuumadda Moscow, si loogu ciqaabo faragelinta ay ku sameysay doorashadii madaxtinnimo ee Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa hore ugu baaqay Congresska inay u oggolaadaan in xiriir diplomaasiyadeed oo xor ah uu la yeesho Ruushka. Balse Wakiillada ayaa sheegaya in heshiiska labada xisbi uu tusaale u yahay go`aanka adag ee Congresska uu ka gaaray in dhinac looga soo wada jeesto Moscow, iyadoo aan la eegeynin aragtida madaxweyne Trump.

Aqalka Kremlin ayaa dafiray eedeyntii loo soo jeediyay, balse baarayaal badan oo Mareykan ah ayaa eegaya haddii uu Ruushku ku lahaa ololihii doorashada madaxweyne Trump.

Si kastaba, madaxweynaha ayaa haysta awoodda ugu sarreysa ee uu codka diidmada qayaxan ugu qaadi karo hindise-sharciyeedka, balse haddii uu sidaa sameeyo waxay taasi kordhineysaa shakiga laga qabo inuu aad u taageero Ruushka.

Sharciga cusub ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu cunaqabateyn dheeraad ah saaro dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Iiraan.