Video:-Marwada Koowaad ee Puntland oo Qasriga Madaxtooyada kusoo dhawaysay Wafti Fadaraalka ka yimid

Shirweynihii afraad ee Dhalinyarada Soomaaliya oo ay ka qaybgalayaan Wasiirka Dhalinyarada Fadaraalka iyo Wasiirada Dhalinyarada Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ayaa maalmo kadib ka qabsoomi doona caasimada bilicda iyo amaanka badan ee Garowe.
 
Wafti balaaran oo ay hogaaminayso wasiirka Dhalinyarada Fadaraalka Marwo Marwo Khadiijo M.Diiriye  ayaa soo gaartay Garowe,waxaana kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha masuuliyiin ay ugu horeeyaan Golaha Wsaiirada,Maamulka Gobolka Nuugaal kan Degmada garowe iyo qaybaha bulshada.
 
“ waa kulankii afraad ee wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha federaalka maama khadiijo horseed noogu ahayd sidii aanu u taabigalin lahayn doorka nooga aadan horumarinta dhalinyarada iyo ciyaaraha guud ahaan soomaaliya” sidaas waxaa yiri wasiirka dhalinayrada Puntland C/raxmaan sheekh Maxamed oo munaasabad soo dhaweyn ah ugu sameeyay Wasiiradda iyo waftigeedii Caasimadda Garoowe.
 
Wasiirka khadiijo waxay faahfaahin ka bixisay kullanka ka dhacaya, , waxayna sheegay in kullankaasi uu la xiriiro sidii loomidayn lahaa qorshaha wasaaradaha dowladgoboleeyada iyo dowladda dhexe ee ku aadan horumarinta dhalinyarada iyo ciyaaraha.
 
“ wasaaradaha maamul goboleeyadu waxay ku tiirsan yihiin gacmaha beesha caalamka iyo deeqbixiyaasha, deeqdaasi waad ogtihiin si gaar gaar ah ayaa loo maamulaa, kumana filna qorshayaasha waaweyn ee ina horyaal inaanu ku fulino iyo kharashaadka aanu haysano” ayay tiri.
 
 
Dhanka kale waxaa waftiga Garowe soo gaaray ee ay hogaaminayso Wasiirka Fadaraalka  ku qaabilay  Qasriga Madaxtooyada Puntland Marwada koowaad Hodan Siciiid Ciise,Hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka