Alshabaab oo lacag baad ah ka qaatay shaqaalihii u afduubnaa

Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Shaqaale ka tirsanaa NGO Fadhigiisu yahay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay islamarkaana ah Soomaali oo ay Al-shabaab Afduubteen 16-kii Bishaan la siidaayay ka dib markii Shabaabku ay ka qaateen Lacag Madax Furasho ah.
 
shaqaalahan la sii daayay oo gaaraya 7 ruux ayaa afar ka mid ah waxaa ay ahaayeen dumar halka inta kale ay ahaayeen rag waxaana ay ku jireen gacanta ururka Al-shabaab tan iyo 16kii bishan.
 
Saraakiil ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed ayaa u xaqiijiyay in Todobada Qof ee u shaqeynayay NGO-ga lagu Magacaabo Career oo Fadhigiisu yahay Magaalada Baydhabo la siidaayay islamarkaana Al-shabaab ay ka qaateen Lacag Madax Furasho ah oo ku dhaw 30 Kun oo Dollar marka la isku daro.
 
Al-shabaab ayaa todobaadkan shaqaale gargaar ka afduubta gobolka Hiiraan iyaga oo dhinaca kalana toogasho ku dilay qof kale oo shaqaalaha ka tirsanaa.