Baarlamaanka Fadaraalka oo dib u celiyay Sharciga la dagaalanka musuqmaasuqa

Kalfadhiga labaad kulankiisa afaraad ee mudaniyaasha golaha Shacabka waxaa shir guddoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey,waxaana ajendaha kulanka uu ahaa akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq-maasuqa.
 
Wasiirka Cadaaladda ee xukuumadda federaalka, Xasan Xuseen Xaaji, ayaa golaha Shacabka ka hor akhriyay sharciga dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo faa’idooyinka uu dalka u leeyahay.
 
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka, Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayaa xildhibaanada akhriyay qodobada lagama maarmaanka u ah in ay ama ay ka muuqdaan hindise sharciyeed walba oo la hor keenaayo golaha shacabka.
 
Xildhibaan, Daahir Amiin Jeesow, oo ka mid ah mudaniyaasha golaha shacabka ayaa soo jeediyay in maadaamaa sharcigan qodobo muhiim ah ay ka maqan yihiin loo baahan yahay in dib loogu celiyo wasaaradda si loo dhameystiro.
 
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka, mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey, ayaa sheegay in sharcigan uu u baahan yahay in lagu soo daro qodobada ka maqan isla markaana wasaaraddu dib loogu celiyay hindise sharciyeedka la- dagaalanka musuq maasuqa.
 
Dhanka kale, xildhibaan, Maxamed Cabdi Gaandi, oo ah guddoomiyaha gudiga dib-u-heshiisinta ee ee golaha shacabka ayaa sheegay in dagaal beeleedyo dhibaatooyin badan dhaliyay ay ka jiraan qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka,wuxuuna ku baaqay in dagaaladaasi la jooiyo.
 
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka. Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey. oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in gudoonka golaha shacabka uu ku baaqaayo in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyadaasi.