Gurmadka abaarta oo ka bilaabanaya Deegaamada Galgaduud iyo Koonfurta Mudug

Wefti ka socda Qaramada Midoobey oo maanta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka aan sharciyada fadaraalka buuxin ee Galmudug,ayaa ka socday hey’adda horumarinta barnaamijyada Qaramada midoobay ee UNDP.
 
Madaxtooyada Cadaado ayay kulan kula yeesheen madaxweyne ku xigeenka maamulkaas iyo guddoomiyaha baarlamaanka.
 
Agaasimaha warfaafinta Cadaado, Maxamuud Cismaan Cabdulle, ayaa sheegay in u jeedada wefdigan ay tahay sidii qiimeyn ugu sameyn lahaayeen saameynta abaarta ku dhufatay deegaanadaas iyo sidii ay maamulka ugu gacansiin lahaayeen barnaamijyada horumarinta.
 
Maxamuud Cismaan, agaasimaha warfaafinta madaxtooyada, Cadaado,ayaa sidoo kale, sheegay saraakiishan ka socotay hey’adda Qaramada midoobay ee UNDP uu qeyb ka yahay qorshaha loogu gurmanayo dadka abaartu saameysay ee deegaanadaas ku nool.