Sawiro:-Wafti ka socda Dawlada Seychelles oo booqasho ku jooga muqdisho

Waxaa maalmahan muqdisho ku joogay booqasho wafti ka socda Dawlada  Seychelles,iyagoo maanta la kulmay Ra’isalwasare xigeenka Dawlada Fadaraalka Soomaaliya.
 
Waftiga ka socda Dawlada Seychelles,ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Seychelles ahna Shirguddoonka kooxda xiriirka ee qaabilsan arrimaha burcad badeedda Xeebaha Soomaaliya H.E. Ambassador Barry Faure ayaa soo dhoweyn iyo casuumaad gaar​ ah ka helay dhiggiisa Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi.
 
Kulan ay yeesheen Labada Wasiiru dowle ayey uga wada hadleen xoojinta xiriirka, iskaashiga, la dagaalanka burcad badeedda iyo maxaabiista Soomaalida ee falalkaasi ugu xiran Jasiiradda Seychelles.
 
Dhankiisa, Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Adv. Mahdi Ahmed Guled ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Seychelles, waxaa ayna ka wada hadleen xiriirka taariikheed iyo midka istiraatiijiyadeed ee labada dal oo ku dhisan iskaashi dhow iyo dano wadaag.
 
Kulankani oo ahaa mid wax ku ool ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda H.E. Dr. Abdirahman Mohamed Abdi Hashi, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Ahmed Ali Daahir.