Video:-Ra’isalwasaare Khayre oo duco ku helay soo dayntii Maxaabiista

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirada, Xildhibaanno iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, ayaa booqday 114 dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa magaalada Jigjiga, kuwaas oo dib-u-helay xoriyaddoodii, haatanna ay gacanta ku hayso Dawladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu ku farax sanyahay dhalinyaradan Soomaaliyeed uu arko wajiyadooda si uu ula qeyb-sado farxadda ay dareemayaan, maadaama ay dib ula midoobayaan ehelkii iyo dadkoodii, sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay jiraan dhalinayaro kale oo ku dhibaataysan dunida oo dhan, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii ay dalkooda dib ugu soo laaban lahaayeen iyagoo xor ah.

Mudane Khayre oo ay ka muuqatay sida uu uga murugsan yahay in dhalinyarda oo ah mustaqbalkii dalkeena ay ku jiraan xabsiyo ayaa tilmaamay in ayan jirin wax ka wanaagsan qaranimo, waxuuna yiri:

“Waxaan ka xumahay dhibaatada soo gaartay dhalinayarada Soomaaliyeed kadib dawlad burburkii Soomaaliya, taa oo keentay in dhalinyaradeenu ay u kala hayaanto wadamo shisheeye oo ay ku qabaan dhibaato, qaar-koodna ay ku jiraan xabsiyada adduunka oo cidina aysan ku ogayn, balse dawladda Soomaaliya ka shaqayn doonto sidii ay dhalinyaradaas dib ugu heli lahaayeen mustaqbalkii ka lumay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in aysan gacanta ku hayn wixii ay xaq u lahaayeen dhalinyarada, balse ay ka shaqayn doonaan arrintaas si loo hagaajiyo mustaqbalka dalka maadaama ay dhalinyaradu yihiin dadka ugu badan bulshada Soomaaliyeed,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka