Qorshaha Ciidamada Somaliya loogu wareejinayo amaanka dalka oo laga shirayo

African Union peacekeeping soldiers from Uganda parade during the arrival of Somalia's new president and former leader of the opposition Alliance for the Re-Liberation of Somalia Sheikh Sharif Ahmed in the capital Mogadishu February 7, 2009. Ahmed arrived in the Somali capital for the first time since he was elected President in neighbouring Djibouti a week ago. REUTERS/Feisal Omar (SOMALIA)

Kulan wada jir ah oo ay leeyihiin saraakiisha sar sare ee howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee AMISOM iyo dowladda Federaalka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo muddo afar maalmood ah socon doona, ayaa looga hadlayaa sidii amaanka Soomaaliya loogu wareejin lahaa ciidamada Soomaaliya. marka kuwa AMISOM ay ka baxaan dalka.

Kulanka waxaa furay Ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuled iyo wakiilka gaarka ah ee midowga Africa ee Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira.

Shirka waxaa waxaa wada jir u gudoominaya wasiirka difaaca Cabdirashid Cabdullahi Maxamed iyo Taliyaha ciidamada AMISOM. General Osman Noor Soubagleh.

Waxaa shirka ka qeyb galaya taliyeyaasha sar sare ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM

Shirkan ayaa si faahfaahsan xoogga loogu saari doonaa hirgelinta qorshaha Amniga Qaranka ee ay ku heshiiyeen hogaamiyeyaasha Soomaalida, 16-kii bishii April ee sanadkan 2017.

Hehsiiskaas ayaa dhigayay in la isku dhaffo ciidamada maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda, si loo helo ciidamo awood u leh inay la wareegaan ammaanka guud ee dalka.