Video:-Camey”Xamar shir baa ka socda la rabo in markale tirakoob sax ah Bulshada Somaliyed loogu sameeyo”

????????????????????????????????????
Wasaarada Dstuurka iyo arimaha fadaraalka ayaa uguurtay xarun cusub oo ay ku shaqaynayso.
 
Xarunta cusub ee Wsaaaradu uguurtay ayaa ah xaruntii hore ee Wasaarada haweenka Puntland ay ku shaqayn jirtay.
 
Wasaaradaha Puntland ayaa intooda badan hada ku shaqeeya xrumo iyagu leeyihiin.
 
Dhanka kale madaxweyne xigeenka Puntland Eng Camey ayaa daahfuray tababar lagu baranayo fahanka nidaamka Fadaraalaka ah.
 
Puntland ayaa ah hooyada Fadaraalka Somaliya,waxyna intabadan u taagan tahay ilalainta nidaamkaas iyo ka shaqaynta hirgalintiisa.
Nidaamka Fadaraalka ayaa ah hab ay qaadatay Soomalaiya,kaasoo ilaa iyo hada lagu liibaanaya guulo la taaban karana lagu gaaray door muhiim ahna ka qaatay dib usoo kabashada Qaranimada Somaliya iyo siku laabshada Umada Somaliyed.
 
Dhanka kale Madaxweyne Camey ayaa furitaanka tababarkaas ka sheegay in Xamar uu ka socdo shir looga xaajoonayo tirakoob markale si sax ah loogu samaynayo bulshada Somaliyed.
 
Camey ayaa madasha ka sheegay in aysan tirakoobkii hore ku qanacsanayn kan hada la qorshaynayana ay ka feejigan yihiin lana wadaagi doonaan bulshada waxii kasoo baxa shirkaas Xamar ka socda sidii ay horay ula wadaageen kuwii hore.
 
Puntland ayaa horay uga biyo diiday Tirakoob horay loo sameeyay,kaasoo ahaa mid aan sax ahayn oo si weyn Puntland loogu dulmiyay,isla markaana lagu buunbuunshay ama lagu siiyay tiro aysan xaq u lahayn Gobolo kale.
 
Hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

Halkan ka daawo muuqaalka