Video:-Shirkii isgaarsiinta ee kismaayo oo fashilmay iyo D.xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka oo isku mawqifnoqday

Dawladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka ee Soomaaliya ee kala ah Puntland,Jubaland,Koonfur-Galbeed. ayaa si adag uga hor yimid xeerkii isgaarsiinta ee dhawaan loo gudbiyay Baarlamaanka Fadaraalka.
 
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada kismaayo oo maalmahan uu uga socday shir ku saabsan arintaas Wasiirada Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ayay kasoo saareen Warmurtiyeed ay ku midaysan yihiin oo diidmo cad ah
 
Waxaa muuqata in wasiirka Isgaarsiinta Fadaraalku wax qarsanayo,isla markaana ay ku socoto maalgalin hoose oo diidan in xeerka isgaarsiinta uu noqdo mid laga wada tashtay oo gaarsiisan heer Qaran.
 
Xogo hoose oo ay heshay idilnews ayaa sheegaya in Ganacsato reer Muqdisho ah oo gacanta ku haya Internedka iyo guud ahan isgaarsiinta Dalka ay khatar u arkaan hirgalka sharcigan,iyagoo taa ka duulayana ay fashilinayan isku day walba oo dalka loogu samayn karo nidaam isgaarsiineed oo heer Qaran ah.
 
Ganacsatadan ayaa xogtu sheegaysaa in ay maalin walba ka helaan gacan ku haynta isgaarsiinta Dalka dhaqaale ka badan Toban Milyan oo Dolar.
 
Hoos ka daawo muuqaalka.shirka jaraa’id ee dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalku ay ku qabteen kismaayo.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka