Video:-Wasaaraduhu maxay waxqabad soo bandhigaan waxqabad xumo ayayba kalsoonidiii ku waayeene?

Maalintii labaad ayaa waxaa caasimada Puntland ee Garowe ka socda barnaamij loogu magacdaray la xisaabtanka xukuumada Gaas ee Baarlamaanku maalmo ka hor kala laabtay kalsoonida.
Barnaamijkan ayay Wasaaraduhu kusoo bandhigayaan waxqabadkoodii sanadkii hore,ilaa iyo hadana tiro Wasaarada ah ayaa soo bandhigay waxqabadkoodii.
Qaybtii 1’aad ee Madasha Bandhigga waxqabadka xukuumadda Puntland,waxaa shalay waxqabadka koodii kusoo bandhigay wasaaradaha kala ah:-
 
•Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare
•Wasaarada Caafimaadka
•Wasaarada Beeraha iyo Waraabka
 
Barnaamijkan ayaa ka socda xarunta shirarka ee jaamacadda Bariga Africa faraceeda Garowe.
 
Maanta ayaa la filayaa sida qorshuhu yahay in uu furmo 8:00 subaxnimo Waxaana waxqabadkooda soo bandhigi doona 4-Wasaaradood,kuwaasoo kala ah iyaguna:-
 
•Wasaarada Kaluumaysiga
•Wasaarada Arimaha Gudaha
• Wasaarada Dastuurka
•Wasaarada Dekadaha
 
Inkastoo Barnaamijkan socdo hadana shacabka Puntland wax xiiso ah oo buuran uma hayaan ,waxayna u arkaan sanbuuse laga adimay iyo wasaarado fashilmay oo shaqadoodii gudan waayay kadibna raba in ay si indho la’aan ah bulshada u indho sarcaadiyaan.
 
Mid ka mid ah aqoonyahanka reer Puntland oo barnaamijkan si gaar ah ula socday ayaa u sheegay idilnews in uu yahay wax lagu qoslo barnaamijka ay Wasaaradaha Dawlada Gaas ay soo abaabusheen ee ay ku sheegeen in ay kusoo bandhigayaan waxqabadkooda.
 
”Waan lasocday barnaamijkan maxay waxqabad soo bandhigaan waxqabad xumo ayayba kalsoondii ku waayeene, waxay soo bandhigeen oo ay Umada rabaan in ay ka dhaadhiciyaan ee ay ku sheegayaan waxqabadka Wasaaraduhu mahan wax macno leh oo uqalma Umad ka sugaysay adeeg dhamaystiran in looga dhigo waxqabad iyo horumar lagu talaabsaday”ayuu yiri aqoonyahan Axmed Cali Faarax,.
 
Hoos ka daawo muuqaalka barnaamijkaas iyo sida uu uga socdo Garowe.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka