Farolle, Waa Fududaadey. Hadalkiisuna Waa damac siyaasadeed, Ismuujin iyo dirir dhaawac Ku ah Odeynimadiisa!WQ.Ahmed Abdi Shirwac ( Seeftagudaha)

Farolle, Waa Fududaadey. Hadalkiisuna Waa damac siyaasadeed, Ismuujin iyo dirir dhaawac Ku ah Odeynimadiisa.
 
Awood Qeybsiga Punt-land waa Qabiil lagu Saleeyey Gobol, ee Maaha Goboleysi.
 
Issimadu Waa Awooda ugu Sareysa (Stakeholders-ka) Puntland. Jaawaabta waxaa Iska leh Issimada.
 
66 = Devil Number,
Farolle = Devil Advocate.
Aaran -Jaan = Devil Sons.
 
Farolle, Waa Xil-dhibaan Federal ah, wuxuu si toos ah ula dirirey Wasiirka dastuurka DF, abdi-hosh Jibriil (leylkase), Isagoo u sharaxan Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka DF. Misna, wuxuu ka horyimid Tabashadii beesha Leylkase, isagoo ka seexday shaqadii loo wakiishay ee arrimaha federalka iyo Puntland, madaxtooyada garowe, wuxuu ka qaatey kitaab, saddex maalmood kadib, waxaan ku booqday gurigiisa,wuxuuna ii sheegay in uu siyaasada ka fariistay, waxaan kula taliyey in uu Madaxweyne Federalka ah isku diyaariyo, wuxuu ku tiriyey farahiisa wakhtiga ka dhimman wayna la fogaatey, wuxuu iigu Jawaabay, wakhti badan iyo wad ayaa inaga xiga, waa lagu Fashilmay Isku daygaa. Balse, waa Xildhibaan Federal oo helay wasiirkii reer Puntland ee Federalka (Juxa).
 
Farolle, iyo beesha leyl-kase iskuma wanaagsana, oo waxbadan ayey ka tirsanayaan, isaguna Ma qarsan karo aragtidiisa Cadifada Ku kooban (Emotional), horta ma ogyahay Xantiisa? Waa Su’aalle:- Reer mudug iyo Farolle Maxaa ka dhaxeeya? Imisa hal-door ah ayaa lagu dillay mudug? Imisa ayaa ku dhimmatey dagaalo ka dhacay gobolka intii uu Xilka hayey? Ma oga miyaa dabinada uu ka qoolay gobolka mudug? Ma oga miyaa in hindisihii lagu dhisay Puntland uu ka curtey Mudug? Muxuu la deg-degayaa? Maxaa ka dhexeeya leylkase iyo Ciise Maxamud? Miyaan rag Tashaday, iyo ergo lagu dhisan Puntland?
 
Haddii, qabiilo badan ay isweydiiyeen, kamid noqoshada Puntland iyo khaladka ka jira Miisaanka Awood qeybsiga, in la saxo manta maxaa diidaya?.
 
Farolle, Siyaasada wuxuu ka eegaa dhinac kaliya, waxbadan oo aan la isku helin ayuu ka raadiyaa, sidoo kale, hal-abuur ma leh, ma oga in sidii la rabo in loo qoro, waxa uu Ku faro adeygayo in rag hore sameysteen ma oga, ayaad Qur’an ah maaha Dastuurka Puntland.
 
FG:- Wuxuu kamid ahaa Ergadii Shirka 1998-dii.