Gudoomiye Taabid oo codsaday in AMISOM ay ka guurto xarumaha Dawlada

Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo ka hadlay kulanka u dhaxeeyo masuuliyiinta ugu sareyso dalka iyo madaxda AMISOM oo ka socda Xarunta Xalane ayaa waxa uu ka sheegey in AMISOM kaalinta ay ka qaadato nabadeynta Soomaaliya Gaar ahaan Caasimada ay tahay wax aan la qarin Karin oo muuqda.
 
Gudoomiye Taabit ayaa sidoo kale soo hadal qaaday xaruma AMISOM ay ka deganyihiin muqdisho isagoo sheegay in Garoonka stadium Muqdisho iyo Kuliyadda Ciidamada Jaalle Syaad ay yihiin meelaha ugu muhiimsan oo ay AMISOM deganyihiin loona baahanyahay in ay ka guuraan oo ay xarumo kale degaan maadama ay yihiin xarumo dowladeed baahi fara badana loo qabo.
 
“Waxaan Madaxda AMISOM Cod dheer kaga codsanaaya in xarumaha aan sheegey ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay iskaga guuraan oo aay deegaano kale ay raadsadaan” ayuu yir Gudoomiye Thaabit.
 
AMISOM ayaa dhankood sheegay in ay diyaar ay u yihiin fulinta codsiga kasoo yeeray Guoomiye Taabit ayna iskaga baxayaan Goobahaas uu codsaday Duqa Muqdisho.
 
 
Gudoomiye taabid ayaa codsigan ka sheegay Shir ka socdaa xarunta Xalane ee ku dhex taalla Garoonka Muqdisho,kaasoo looga xaajoonayo waxqabadka AMISOM iyo doorka ay ka qaataan xasilinta dalka,shirkaas ayaa maalinka beri foog ah soo gabagaboobaya.