Isku dhac Ciidamada dawlada Fadaraalka dhexmaray oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Wararka ku saabsan shaqaaqadan ayaa sheegaya in askar dhawr ah ay ku dhinteen iska-horimaad dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan, is rasaasaynta ayaa waxa ay ka dhacday isgoyska Tiyaatarka Qaranka kadib markii ciidamada illaalada madaxtooyada ay is hortaageen ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta Caasimadda oo doonayay in ay gudbaan bar koontarool.

“5 askari oo uu midkood sargaal yahay ayaa ku dhintay, dhawr kalana waa ay ku dhaawacmeen, waxaana jiray iska-horimaadyo kala duwan oo ay ku lug lahaayeen ciidamada dowladda” ayuu yiri wariyaheena.

Maanta oo kaliya dhawr isku dhac oo kan oo kale ah ayaa ka dhacay meelo kala duwan oo caasimadda ka tirsan, lamana oga waxa horseedey isfaham waaga.

Meelaha kale ee ay shaqaaqada ka dhacday waxaa ka mid ah Ceel Gaabta, Degmada Wadajir, iyo Jaamacadda Gaheyr.

Sida laga war hayo dowladda federaalka waxa ay sameysay ciidan oo loogu magac daray Ciidanka Xasilinta Caasimadda kuwaasi oo laga soo kala xulay xoogga dalka, nabad sugidda, iyo booliiska, waxaana loo xilsaaray in ay caasimadda nabad ka dhigaan, halka ciidamadii kale badankood laga saaray magaalada, lana dajiyey xerooyin.

Hase yeeshee waxaa wali caasimadda gudaheeda ku sugan ciidamada illaalada madaxtooyada iyo kuwa booliiska.

Wali wax hadal ah kama aysan soo saarin dowladda isku dhacan.