Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka UN-ka ee Soomaaliya oo loo diiday dalku galka Maraykanka

Sida uu daabacay Wargeyska Alleastafrica.com Safiirka Somaliya ee UN, Abuukar Baale ayaa la sheegay in uusan yeelan doonin wax xasaanad ah maadaama uu isticmalaayo baasaboorka Maraykanka kadib markii dawladda Maraykanku ay ka hor timid in baasaboorka diblomaasiga Soomaaliga aan dal-ku-gal lagu dhufan karin marba haddii uu safiirku haysto dhalasho maraykan ah.
 
Wargeyska ayaa sheegay in Denjire Abuukar Baale oo haatan ku sugan dalka mareykanka islamarkaana ah muwaadin haysta dhalashada dalkaas in uu ka walwalsan yahay arinkaan kusoo kordhay ee ku aadan in uusan laheyn wax xasaanad ah.
 
Dhanka kale Wargeyska ayaa qoray in sidoo kale ay arintan saamaysay Madaxweyne Farmaajo waxaana madaxweynuhu uga baaqday arinkaas dartiis shir ka dhacayey gollaha Qaramada Midoobey ee New York.
 
Baaqashada madaxweyne Farmaajo ayaa sida Wargeysku qoray waxay ka danbaysay kadib markii loo diiday in dal-ku-gal loo saaro baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya. maadaama laftigiisu uu yahay muwaadin Maraykan ah.
 
Safiirka Somaliya ee UN, Abuukar Baale ayaa mudooyinkii udanbeeyay ka howlgalayay Safaaradda Soomalida ee dalka Mareykanka,iyadoo uu xilkaas Madaxweyne Maxamed Farmaajo u magacaabay bilo ka hor.