Maraykanka oo ka hadlay qabashada Madaxa Amniyaadka iyo Dhaqaalaha Al shabaab ee gobolka Mudug

WASHINGTON, US – Mareykanka ayaa ka hadlay markii ugu horeysay qabashada Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geel), oo ahaa Madaxa Amniyaadka iyo Dhaqaalaha Al shabaab ee gobolka Mudug.
 
Saraakiil katirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka “Pentagon”, ayaa u sheegay CNN in Tahliil, lagu soo qabtey Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dalkaasi iyo Militariga Somalia Axadii lasoo dhaafay.
 
Dhanka kale, Saraakiisha Pentagon-ka, ayaa tilmaamay in ninka lagu qabtey howlgalka Gaalkacyo, uu dhawaan u safar ku tagey Mareykanka, islamarkaana ay baarayaan inuu haysto dhalashada dalkaasi.
 
Qabashada Tahliil ayaa waxa uu Mareykanka ku tilmaamay mid muhiim ah, oo dhabar-jab ku noqon karta howlgallada argagaxiso ee Kooxda Al shabaab kawado gobolka iyo deegaanada Puntland.
 
Ninkan oo si aad ah u yaqaanaan Laamaha amaanka Puntland, ayaa la qabtey November, 2012, isagoo wata gaari ay ay saaran yihiin walxaha qaraxyada laga sameeyo,
 
Ciidamada amniga Puntland ayaa qabtey Ninkan November, 2012, xilligii maamulkii Cabdiraxmaan Farole, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu qabtay Qaraxyo.
 
Madaxweyne Gaas oo Maamulka Puntland la wareeegay January, 2014-ka, ayaa amar ku bixiyay in lasii daayo Caloolgeel, isagoo laba sano dil sugge uu ugu xirnaa xabsiga Garowe.
 
Xilligaasi, waxgaradka gobolka ayaa ka digay sii deynta Tahliil, oo ay sheegeen inuu khatar ku yahay amniga Puntland, iyo nolosha dadka shacabka ah, balse Taladaasi Madaxweyne Gaas waxba kama soo qaadin, oo cafis ayuu u fidiyay.
 
“Ciidamada Mareykanka waxay ka caawiyaan kuwa ay saaxiibada yihiin ee dowladda Somalia weerarada lagu wiiqayo awooda Al shabaab, loogana hortago inay Kooxdaasi weerarka ka fuliso gobolka geeska Africa iyo dalka Mareykanka,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Africa “AFRICOM.”
 
AFRICOM waxay dusha kala socdaan howlgallada Mareykanka ee Somalia, oo dhawaan ka fuliyeen dhowr weerar, oo lagu burburiyay sadhigyo ay leedahay Al shabaab oo ku yaalla koonfurta Somalia.
 
Mareykanka ayaa ka jooga Somalia Askar lagu qiyaasay tiradooda inay u dhaxayso 50 illaa 100, kuwaasi oo inta badan ka qeyb qaata howlgallada gaarka ah ee lagu bartilmaameedsado xubnaha sare ee Al shabaab.
 
Askari kuwa Navy SEAL katirsan ayaa looga dilay Mareykanka bishii April deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose, xilli uu ka qeyb-qaadanayay howlgal lagu soo qabanayay hogaamiyaal katitsan Al shabaab..
 
 
Xigasho Garowe Online.