Trump oo laga xiray wado walba oo Ruushka ugu damacsanaan karo

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Ruushka ayaa sheegay in Moscow ay aargudan doonto, si ay uga jawaabto cunaqabateynta cusub ee Mareykanka uu saaray, sababo la xiriira faro-gelintii ay ku sameysay doorashadii madaxweyne ee Mareykanka.

Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa talaadadii ansixiyey sharci ballaarinaya awoodda congress-ka ay lu leeyihiin inay faro-gelin ku sameeyaan, haddii madaxweyne Trump uu isku dayo inuu cunaqabateynta ka qafiifiyo Ruushka.

Sida ay ku warrantay warbaahinta Ruushka, Ryabkov ayaa ka digay in cunaqabateynada cusub ay meesha ka saari doonaan fursad kasta xiriirka Moscow iyo Washington uu kusoo wanaagsanaan lahaaa.

Waxa uu sidoo kale yiri in Ruushka ay goor sii horeysay uga digeen madaxweyne Trump inay ka jawaabi doonaan haddii aqalka wakiilada Mareykanka ay ansixiyaan sharcigan cusub.

Sharcigan cusub oo ay hadda ansixiyeen aqalka wakiilada iyo kan senate-ka labaduba, ayaa dhaqan geli doona, marka uu saxiixo madaxweyne Trump.