Video:-Madaxweyne faroole oo si adag uga hor yimid qancinta Beesha Tanade Daarood

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa si adag uga hor yimid tabashada beesha Tanade ee ku aadan in loo furo Dastuurka si loogu kordhiyo Xildhibaanada Baarlamaanka oo ay ku doodayaan in ay ku dulman yihiin.

Madaxweyne faroole ayaa yiri”Dastuurka Puntland qabiil kuma dhisna ee Deegaan ayuu ku dhisan yahay,odoyaasha lasoo lugeeyay ee halkan layskugu keenay waxaan leeyahay waxba idinkama galin Dastuurkan xiligiinina lama gaarin Baarlamaan ayaad usoo dhisateen ee suga oo udaaya shaqadiisa.

Dastuurka Puntland waxba lagama bedeli karo Lagumana Xad Gudbikaro,Isimada Puntland waxaan usheegayaa Waqtigiinii Lama Gaarin Halsano iyo Bar ayaa idiin Haray Waqtigii La idiin Iman lahaa Dawlada hada jirta Doorasha Hal Qof iyo Hal Cod ah Magaarsiin karto Puntland ee Suga Baarlamaan ayaa Soo doorateen Baarlamaankii aad Doorateen ayaa Weli Shaqaynaya Madaxweyne ayay Doorteen Madaxweynihiina Xukuumad ayuu Dhistay”Ayuu yiri Madaxweyne Faroole,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka