Video+Sawiro:-10-Ka Arday ee ugu sareeyay Puntland oo abaaalmarin la gudoon siiyay

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa magaalada Garoowe kaga qaybgalay munaasabad wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ay abaalmarin ku gudoon siineysey 10kii arday ee sanadkaan ugu sareeyey imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay madaxda wasaaradda, maamulayaal, arday, waalidiin, ehelka ardayda iyo qaar kamid ah bulshada kunool Garoowe, waxaana wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Pro Abshir Awyuusuf Ciise uu ardayda ugu hambalyeeyey kaalmaha ay galeen isagoona sheegay inay siiyeen waxbarasho dalka dibaddiisa ah oo lacag la’aan ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo soo xiray xafladda ayaa bogaadiy wasaaradda waxbarashad, wuxuuna sheegay in dowladdu ay ahmiyad gaar ah siinayso waxbarashada.

 

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka