Madaxweyne Farmaajo oo Gudi usaaray isku dhicii shalay ee Ciidamada Dawlada Fadaraalka

Shirka Todabaadlaha ahaa ee Golaha Ammaanka Qaranka oo uu guddoominaayey Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa lagaga hadlay Shaqaaqadii dhex martay qaar ka mid ah ciidamada Xoogga Dalka.

 Madaxwayne Farmaajo ayaa arrinkaan u saaray guddi xaqiiqo raadin ah oo uu madax u yahay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal C/xakiin Daahir Siciid (Saacid).

Taliye Saacid  oo ay wehelinayaan Wasiirka Amniga Dowladda Faderaalka ah, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyeyaasha Ciidamada Nabad-sugidda iyo Xoogga dalka ayaa isla markiiba soo kormeeray labadii goobood ee ay ka dhacday is-rasaasaynta, iyaga oo halkaas warbixinno kaga dhagaysteen saraakiil ka tirsan ciidamada.

Kormeerka kaddib waxaa si wada jir ah ula hadlay warbaahinta talis-yada Ciidamada Nabad-sugidda iyo Milatariga oo ku tilmaamay dhacdadaan mid fool xun oo laga xumaado, iyaga oo  xaqiijiyey in gacanta lagu hayo dhammaan dadkii ku lug lahaa falkan.

Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka ah Maxamed Abuukar Islow iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thabit Cabdi Maxamed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in shilka dhacay uusan saamayn ku yeelan doonin howl-galladii lagu xasilinayey magaalada Muqdisho, waxayna ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan ciidankooda.

Taliyaha Booliska Jeneraal Saacid waxa uu sheegay in Boolisku ay haatan baaraayaan sida ay wax u dhaceen iyo cidda ku lug leh.

Waxa uuna intaas ku daray in sida ugu dhakhsaha badan ay usoo gudbinaayaan Natiijada baaritaanka iyo in caddaaladda la hor keenidoono dhammaan dambiilayaasha kiiskaan.