Ninka loo wado Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Puntland oo maanta madaxweyne Gaas lagu hor dhaariyay

Qasriga Madaxtooyadda Dawladda Puntland ayaa maanta 27 July 2017 lagu dhaariyey xubin katirsan guddiga doorashooyinka Puntland oo dhowaan Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas magacaabay.
 
Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (shuuqe) oo ah xubinta maanta loo dhaariyey xilkaasi ayaa waxaa munaasibada dhaarinta goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland.
 
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaarta kadib la dardaarmay Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (shuuqe), waaxaana uu kula dardarmay inuu xilkan loo igmaday siday tahay uga soo dhalaalo uguna shaqeeyo dadkiisa iyo dalkiisa, isla markaana uu ka fogaado wax kasta oo shaqadiisa wax yeelaynaya.
 
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku booriyey in shaqada uu hayo Cabdiraxmaan Diiriye Samatar tahay mid miisaan keeda leh, shaqada iyo hawlaha xafiis ee laga sugayaana tahay mid dardargelin iyo dedaal dheeriya u baahan, madaama dawladda Puntland iyo shacab keedu tiig-sanayaan sidii Puntland u gaadhi lahayd doorasho hal qof iyo hal cod ah.
 
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle “SWC” uga baryey Cabdiraxmaan Diiriye Samatar inuu u fududeeyo shaqada uu u qaban doono shacabkiisa, isla markaana Alle ka dhigo kii Puntland u horseeda horumarka ay geediga ugu jiraan ee ah doorasho hal qof, hal cod.
 
Cabdiraxmaan Diiriye ayaa booskan maanta loo dhaariyay waxaa shalay soo ansixiyay Baarlamaanka Puntland,waxaana xubintan horay u baneeyay oo iska casilay Axmed kismaayo oo la sheegay arimo caafimaad daro darteed in uu isku casilay.
 
Xogo hoose ayaa sheegaya in Caaqil Cabdiraxmaan Diiriye loo wado Gudoomiyaha Gudiga Doorashada KMG ah ee Puntland.
 
Caaqil Shuuqe ayaa ah masuul si weyn looga yaqaan Puntland xushmad iyo qadarina ku dhex leh Umada ka mid ahaan shihiisa Gudiga Doorashada ayaawaxay kor uqaadaysa miisaanka Gudiga.