Dhagayso:-Gabdho Somali Maraykan ah oo cafiyay Haweeney cadaan ah oo weerartay

Maalintii Talaada ee la soo dhaafay ayaa magaalada Fargo ee Gobolka North Decotta ee dalkan Mareykanka haweeney Mareykan ah oo cadaan ah, oo 42 jir ah, lagu magacaabo, Amber Hensley, waxey hadallo Islam naceyb ah ku weerartay una sheegtay inay dileyso sadex gabdhood oo Somali ah, xilli ay ku jireen gaarigooda oo yaala halka baabuurta la dhigto ee Dukaanka weyn ee Walmart loo yaqaan.

Gabdhahan ayaa kamerada taleefankooda ku duubay hadaladii haweeneydan oo ay ka mid ahaayeen waxaan ahay Americaan,dhamaantiin Muslimiinta waan idin dileynaa aada wadankiinna iyo kuwo kale. Waxaana fidowyga uu qabsaday baraha Bulshada,hoos ka dhagayso codka gabdhaha.

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka gabdhaha