Video:-Maxkamada sare ee Pakistan oo cayrisay Ra’isalwasaarihii dalkaas

Pakistani Prime Minister Nawaz Sharif attends the closing session of 18th South Asian Association for Regional Cooperation (SAARC) summit in Kathmandu November 27, 2014. A brief meeting between India's Prime Minister Narendra Modi and his Pakistani counterpart appears to have salvaged a summit of South Asian leaders, with all eight countries clinching a last-minute deal to create a regional electricity grid. REUTERS/Niranjan Shrestha/Pool (NEPAL - Tags: POLITICS) - RTR4FUCN
Maxkamadda sare ee dalka Pakistan ayaa ka mamnuucday ra’iisul wasaare Nawaz Shariif inuu xafiis dadweyne qabto, kuna amartay inuu si deg deg ah isku casilo.
 
Afhayeen u hadlay xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayaa waxyar kadib xukunka maxkamadda ku dhawaaqay in Shariif uu aqbalay go’aanka maxkamadda, islamarkaana uu ka tagay xafiiska.
 
Maxkamadda ayaa Shariif ku heshay inuu hanti badan dibedda ku urursaday, qariyey, islamarkaana u noolaa si ka baxsan awoodiisa dhaqaale.
 
Guddiga maxkamadda oo ka kooban shan garsoore ayaa gebigood isku raacay xukunka maanta, waxayna ugu baaqeen mas’uuliyiinta la dagaalanka musuq maasuqa in ay baaritaan ku sameeyeen gabadha Nawaz oo lagu magacaabo Maryam, seygeeda iyo wasiirka maaliyadda Pakistan Ishaq Dar.
 
Dar ayaa sidoo kale maxkamadda waxay ka mamnuucday inuu wax xafiis ah qabto.
 
Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in baaritaan musuq-maasuq lagu sameeyo laba wiil oo uu dhalay Nawaz, oo lagu kala magacaabo Hussain Nawaz iyo Hassan Nawaz,hoos ka daawo muuqaalka

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka