Madaxii Shaqaalaha Aqalka Cad oo La Baddelay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u magacaabay xoghayihiisa Amniga gudaha John Kelly inuu noqdo madaxa Shaqaalaha Aqalka Cad, kadib marki xilkaasi laga qaaday Reince Priebus.

Go,aankan ayuu madaxweyne Trump ku iclaamiyey qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxyar kadib marki uu kasoo laabtay munaasabad uu kaga qeybgalay gobolka New York.

Reince Priebus, oo horay madax uga soo noqday Guddiga Qaran ee Jamhuuriga ayaa muddooyinkba bartilmaameed u ahaa hadalo la isla dhaxmarayey oo sheegayayey inuu qarka u saaranyahay inuu waayo shaqadiisa.

Waxaa ugu danbeyey hadal uu agaasimaha cusub ee Warfaafinta Aqalka Cad uu si aanan gabasha lehen ugu duray Mr. Priebus oo uu ku sheegay inuu yahay qofka warbaahinta u dusiya siraha Aqalka Cad.

Sababaha dhabta ah ee ka danbeeya inuu xilkiisa waayo Reince Priebus ayaanan si rasmi ah loo caddeyn, balse labadi todobaad ee lasoo dhaafay wuxuu ahaa nin go,doonsan.