Tilmaamaha Hoggaaminta Wanaagsan.WQ.Yaasiin Cabdullaahi Faash

Tilmaamaha Hoggaaminta Wanaagsan

Dabeecadaha wanaagsan waxaa ka mid ah jacaylka, naxariista, degganaanshaha, daacadnimada, iwm. Dhanka kale dabeecadaha cudurrada faafa ee sunta ah oo kala ah: nacaybka, khaa’innimada, aarsashada, iwm, ayaa ku faafa bulshada. Sidaas darteed hoggaamiyayaasha iyo ciddii daneenaysa in ay noqoto waa in naftooda aqoon wannaagsan u leeyihiin.

Dadku hufnaan ma aamminsanyahay? Hoggaamiyayaashuse ballanqaadyadooda iyo heshiishyada ay galaan ma fuliyaan mise kuriga kolka ay ku fadhiistaan mowqifkooda ayay beddelaan? Si caddaalad leh ma u fuliyaan oo wax sax ah ma ku hawlgalaan? Dadku wuxuu jecelyahay ciddii ay aamminsanyihiin, wuxuu necebyahay ciddii aysan aamminsannayn.

Waxaa madaxda, sida dhacda, aamminsanyihiin in looltan awoodeed ay ku jirto. Si kastaba ha ahaatee, hadafyada ay leeyihiin xisbiyada siyaasadeed, xukuumadda, shirkadaha, ururrada bulshada, iwm, ayaa looga baahanyahay “midnimo” iyo in si wada jir ah loo shaqeeyo iyada oo ujeeddo mid ah la leeyahay, “gacmo wada jir bay wax ku gooyaan”.

Macallin, caqliceliye, iyo tababbare dib u xasuusta, kumuu ahaa ruuxii xirfad cusub aydin ka barateen? Xaqiiqdii badi dadku xasuus wanaagsan iyo jecayl bay u hayaan macallimiintooda iyo tababbarayaashooda. Aniga aabbahay, Eebbe haw naxariistee, wuxuu ahaa hoggaamiye siyaasadeed. Wuxuu ka soo jeeday Gobolka Mudug, Puntland, balse ka hor intii uusan noqon siyaasiga wuxuu ahaa macallin iskuul ku yaallay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Muqdisho. Waxay ahayd sannadihii lixdameeyadii.

Waxaan rabaa in aan waxyar ka hadlo taariikhdii Soomaaliya inta u dhexeeysey 1960-1969. Wuxuu xilligaasi ahaa waqtigii Soomaalidu ugu wanaagsanayd. Kolkii xorriyaddii la qaatay 1960kii, waxaa la dhisay dawlad Soomaaliyeed oo caddaalad iyo dastuur ku qotonta. Waxa dalka ka dhici jirey doorashooyin baarlamaan oo dadku wakiilladooda siyaasadda toos u soo doortaan. Aniga awowgay hooyo, Eebbe haw naxariistee, Ugaas Yaasiin Ugaas Cabdiraxmaan, wuxuu ka qaybgalay oo ka mid ahaa halgankii xornimo-u-dagaalankii ee SYL hoggaaminaysay. Xornimada markii la qaatay waxa loo doortay xildhibaan baarlamaankii lixdameeyadii. Waxaa laga soo dooran jirey magaalada Boosaaso ee ah magaalammadaxda Gobolka Bari. Ma jirin ruux aan dembi gelin in la xidho, iyadoon maxkamad la soo taaginnin. Ma dhici jirin qof shaqadiisa si habsami ah u guta oo booskiisa laga cayriyo. Ma dhici jirin ruux hantidiisa la boobo ama bareer loo dhaco. Xorriyadda fekerka iyo hadalka qofku xor buu u ahaa. Sidoo kale, ma dhicin in mucaaradka loo hanjabo ama la faafreebo idaacadaha iyo wargeysyada. Wuxuu waddanku haystay mabda’a ku dhisan horumar, nabad-ku-wada-noolaansho iyo siyaasad dibedeed oo dhexdhexaad ah. Kolkii Madaxweynihii Soomaaliya, Ilaah ha u naxariistee, Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo Laascaanood, magaalammadaxda Gobolka Sool, booqasho ku marayay lagu diley, ciidammaduna oo uu horkacayay, Ilaah ha u naxariistee, Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre, afgembi aan dhiig ku daadan xukunkii kula wareegeen, Oktoobar 1969, ayaa Soomaaliya waxa u biloowday taariikhdeeda baal cusub oo jahwareer ah. Taliskii ciidammada waxaa xukunkii xoog looga tuuray Jannaayo 1991kii. Soomaaliya waxa muddo rubuc qarni in ka badan kaalinta koowaad ka gashay dawladaha adduunka fashilmay. Si loogu guuleeysto dib-u-dhiska dawlad caddaalad ah waa in Soomaali oo dhammi taageerto dhismaheeda oo Soomaaliya iyo waddammada deriska la ah arkaan in faa’ido iyo dan ugu jirto.

Waxaa Soomaaliya ka jira dhibaatooyin badan sida amnidarro baahsan iyo dhaqaale xumo, sida lacagta Shilinka Soomaaliga oo xoog u qiimo beeshey sababtu waa wax-soo-saarkii oo aad u hooseeya. Mar kasta oo dal wax-soo-saarkiisu uu aad hoos ugu dhaco waxa xiga in lacagtiisu degdeg u qiimo beesho, sicir barar ba’anna uu dhaco. Waddammada adduunka lacagtoodu xoog u qiimo beeshey waxaa ka mid ah: Soomaaliya iyo Simbaabwe. Waagii hore lacagta Shilin Soomaaligu qiimo bay lahayd, waayo waxa waddanku lahaa dawlad iyo wax-soo-saar fiican. Su’aashu waxa weeye dhibaatada maxaa keenay? Dhibaatada qiima beelka Shilin Soomaaliga waxa bilaabatay kolkii gulufka colaadeed lagu qaaday waddanka deriska Itoobiya 1977. Waxaa xoogeeysatay kolkii dawladii burburtay 1991 oo amnidarrada iyo dagaalka sokeeye awgiis wax-soo-saarkii dalka iyo guud ahaanba dhaqdhaqaaqii ganacsiga uu joogsaday.

Maxaa sababa sicir bararka? Su’aal weeye muhim ah. Waxaa jira labo aragtiyood oo cilmi ku dhisan intuba saxsan yihiin. Tan koowaad waxa qaba Prof. Peter Bernholz oo u dhashay waddanka iswiitsarlaand, waa khabiir lacagaha ku takhasusay, Buug uu qoray oo lagu magacaabo “Nidaamyada lacagta iyo sicir bararka, taariikhda, dhaqaalaha, iyo xiriirka siyaasadda” (Monetary Regimes and inflation, History, Economics, and Political Relationships), waxaa qoraaga buugga uu qoray in sababta sicir bararka ugu weyni tahay kolka kharashyada dawladdu ka bataan bajadka. Si kale haddii aanu u dhigno sicir bararka waxa keena waa dhibaato siyaasadda kharashyada dawladaha (fiscal politics problem). Kharashyada dawladaha qayb waxa maalgeliya lacagta dawladuhu daabacdaan. Aragtida kale waxa qabta in sicir bararka sababto kolka xajmiga lacagta waddanka kororto (caddadka lacagtu kororto).

Hoggaamiyayaashu waxay mudan yihiin kuddayasho, Weyddii ruux dhallinyaro ah su’aasha ah: maxay qabtaan hoggaamiyayaashu? Waxay jawaabtoodu noqonaysaa in hoggaamiyayaashu yihiin masuuliyiin kuwaas oo qaaday masuuliyad culus. Waxay dadka u sheegaan wixii ay qabsan lahaayeen. Waxay badankood yaqaanniin in arrin ka keenaan natiijo la taaban karo. Waxay raadiyaan in waajibaadkooda shaqo sida ugu wacan u gutaan, iyo mararka qaarkood culays saaraan shaqaalaha iyo kaaliyayaashooda si u soo hoyaan guulo ay adagtahay in la gaaro. Ma faraggeliyaan shaqaalaha, waase ku garab galaan shaqada haddii laga maarmi waayo. Waxay awoodaan in ay sawiraan mustaqbal wannaagsan, iyo waxay leeyihiin hiigsi fog.

Hoggaamiyayaashu waa in ay leeyihiin aragti fog (vision). Tusaale, haddii socdaal dheer aad carruur wada gashaan waxa kol kasta ku weyddiinayaan, miyeeynnu gaarnay meeshii aanu u soconnay? Haddii aanad aqoon meesha joogtid iyo meesha u socoto dabcan jawaab uma heli kartid. Waxa socdaalku noqonayaa mid dheer iyo rafaad badan. Haddii dadku si cad u fahamsanayn jihada loo socdo iyo sidii ay ku gaari lahaayeen kolkaa waxa ku dhacaysa jahwareer, walwal, iyo qanac la’aan. Waxa dadku dareemayaan in ay yihiin rakaab gaadhi saaran kantaroolkiisa haynnin, wax aan cabasho ka ahayn sameeyn karinnin.

Hoggaamiyayaashu waa in dadka weyddiiyaan sida wax u arkaan (feedback) halkan weeye meeshe dhibaatada weyni ka jirto. Haddii hoggaamiyayaasha la su’aalo in wali la jecelyahay iyo in kale? Waxa badankood isku qiimeeyaan in la jecelyahay. Hase yeeshee, qiimeeynta saxda ah ee macnaha leh waa qiimeeynta dadku sameeyo, sida ay u arkaan hoggaamiyayaashooda.

Waayo-aragnimada aadanaha waxa laga bartay in la jeclaado hoggaamiyayaasha waxa ku xiran tahay hadba sida dadka u weyddiiyaan sida wax u arkaan (feedback) kolkii warcelintooda helaan tallaabooyin qaadaan siday wax uga qaban lahaayeen.

Dadka oo la weyddiiyo sida wax u arkaan waxay ka caawintaa siday ku fahmi lahaayeen saameeyntooda, ha ahaadaan kuwo wannaagsan ama xun. Gebegebadii – haddii aad hoggaamiye tahay waa in aad sameeysataa qorshe kor-u-sii-qaadidda tayada hoggaamintaada (Leadership quality). Ha ka fuqin hiigsigaaga fog oo dadka weyddii siday wax u arkaan, siday u arkaan horumarka aad sameeynayso.

Yaasiin Cabdullaahi Faash

yaasiinfaash@outlook.com

 
%d bloggers like this: