Video:-Madaxbanaani raadiskii Somaliland oo galay fududaynta Gaalaysiinta Soomaalida

Magaalada Hargaysa waxaa dib looga furay Kaniisada madhabta kaatoliga ee Diinta Kiristiyaanka.
 
Dib u furida kaniisadan waxaa fasaxay oo ogolaaday masuuliyiinta maamulka Somaliland.
 
Maariya Feejiyoo oo ah haweenayda hawsha dib u furida kaniisada waday ayaa sheegtay iyadoo ka qaybgalaysay shirweyne ay kula hadlaysay dhalinyarada Hargaysa in dib u furida kaniisada ay mahadeeda leedahay Dawlada Somaliland oo noo ogolaatay ayay tiri markii ay fahantay in dalnimadoodu ku xiran tahay.
 
Kaniisadan ayaa xirnayd mudo ka badan Sodon sano dib ufurideeduna waxay ka dhigan tahay in bulshada Kiristiyaanka ah ay qayb muhiim ah oo muuqata ka yihiin bulsha weynta Somaliland.
 
Ilaa iyo hada Culumada Diinta islaamka ee Somaliland kama hadlin Kaniisadan,sidoo kale kooxaha argagixisada ah ee dadka shacabka ah iyo masuuliyiinta ku laaya ama ku qarxiya Puntland iyo Koonfurta Somaliya iyagoo sheeganaya in ay diinta difaacayaan kama aysan hadlin furitaanka kaniisadan.
 
Baraha Bulshada ilaa iyo shalay waxay bulshada Somaliyed meel walba oo ay joogto iskugu gudbinayeen sawirada kaniisada oo ay si weyn u canbaaraynayaan.
 
”Hargaysa in kaniisad laga furo mahan wax fudud waa calaamad soo dhaweyn u ah kuwa Diinta Kiristiyaanka qaatay ama u haya soo dhaweynta,waana bilaw xoojinaya kiristiyaanaynta la qorshaynayo ee bulshada Somaliyed”sidaa waxaa yiri mid ka mid ah aqoonyahanka Somaliyed oo idilnews ay wax ka waydiisay arintan.
 
”Runtii waa nasiib daro aad u weyn in reer Hargaysa ay iyagu noqdaan kuwii ugu horeeyay ee fududeeya arintaas,waxayna ku tahay sumad taariikhda gashay oo aan la ilaawi doonin.si kasta ay iskugu qanciyaan waxaan nahay jamhuuriyad ilbax ah oo dalkeeda ay ku noolaan karaan cid kasta oo diintay rabto aaminsan sida dalalka reer galbeedka ay ugu nool yiihiin dadka islaamka ah uguna leeyihiin xarumo waa weyn oo ay ku cibaadaystaan”ayuu yiri mid ka mid ah Culumada Somaliyed oo idilnews ay arintan wax ka waydiisay.
 
 
Hoos ka daawo muuqaalka furitaanka kaniisada.

 

Halkan ka daawo muuqaalka