Video:-Qarax xoog leh oo ka dhacay Muqdisho goor dhawayd

Faah faahin ayaa ka soo baxaya Qarax Gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama.

Qaraxa ayaa dhacay, xilli wadada mashquul aheyd, gaarigana uu marayay wadada, agagaarka Saldhiga Degmada Waaberi.

Goob joogayaal ayaa sheegaya inay arkeen meydadka illaa lix ruux oo shacab ahaa, kuwaasoo qaarna wadada marayay, halka kuwa kalena ay saarnaayeen gaadiid.

Sidoo kale illaa tobaneeyo ruux oo kale ayaa iyana ku dhaawacantay qaraxa ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama.

Dhowr Gaadiid oo wadada marayay ayaa ku bur buray qaraxa, halka kuwa kalena ay waxyeelo soo gaartay.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu ahaa nuuca ay Soomaalida u taqaano Harier, kaasoo waxyaabaha qarxa ay saarnaayeen, gaariga ayaa gebi ahaanba bas beelay.

Goobo ganacsi oo ku yaal hareeraha wadada ayaa iyana waxyeelo kala duwan soo gaartay.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray gebi ahaanba wadada, iyadoo ciidamada ay ku sugnaayeen meel aan sidaa uga fogeyn halka qaraxa uu ka dhacay oo u aheyd Bar koontarool gaadiidka lagu baaro.

Qaraxan saaka ka dhacay Muqdisho ayaa ku soo aadaya, saacado kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu sheegay in Ciidamada Xasilinta ay suura geliyeen in ammaanka Muqdisho uu soo hagaago, isla markaana aanay magaalada muddo bil ah qarax ka dhicin,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka