Putin oo Soo Ceyriyey Diblomaasiyiin Mareykan ah

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa ku amray Mareykanka inay 755 ka dhimaan shaqaalahooda diblomaasiyeed, isaga oo uga jawaabaya cunaqabateenta Mareykanka uu saaray Ruushka, sababo la xiriira faro-gelintii ay ku sameeyeen doorashadii madaxweyne ee Mareykanka.

Putin ayaa taleefishin laga leeyahay Ruushka u sheegay in dowladdiisa ay qaadi karto tallaabooyin dheeri ah oo ay uga aargudaneyso Mareykanka, balse “taasi uu kasoo horjeedo illaa iyo hadda”.

Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa amarka Putin ku qeexday “mid laga shallaayo, oo aan loo qiil dayin”, waxaana ay sheegtay inay qiimeyneyso sidi ay uga jawaabi lahayd.

Congress-ka Mareykanka ayaa khamiistii ansixiyey cunaqabateenta cusub ee Ruushka la saaray, oo qeyb ka ahayd xirmo cunaqabateeno ah, oo sidoo kale la saaray dalalka Iran iyo Korea-da Waqooyi.

Jimcihii ayaa wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka waxay ku hanjabtay inay aargudan doonto, si ay uga jawaabto cunaqabateenta cusub ee Mareykanka uu saaray.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Ruushka Sergei Ryabkov ayaa axaddii barnaamijka “Toddobaadkan” ee ABC News u sheegay in aargudashada Ruushka ay tahay mid muddo soo daahday.

Cunaqabateenta Mareykanku saaray Ruuushka oo ay illaa iyo hadda ansixiyeen aqalka wakiilada iyo kan senate-ka, ayaa dhaqan geli doona, marka uu saxiixo madaxweyne Donald Trump.