Qadar oo ganafka ku dhufatay dalabka waddamada Khaliijka Carabta

Qadar ayaa ku gacan seyrtay dalabka waddamada carbeed ee horey xiriirka ugu jaray dalkaasi.

Waddamadan ayaa doonaya in Qadar ay marka hore shuruudo ka soo baxda ka hor inta aysan wax wada xaajood ah la yeelan waddamadani.

Wasiirka arrimaha dibadda Qadar, Maxamede bin Cabdulraxmaan Al-Thani ayaa sheegay in xayiraadaha saaran dalkiisa ay lid ku yihiin shuruucda caalamiga ah, waddamada xayiraadahaasi soo rogayna ay diidan yihiin in ay arrintaasi qiraan.

Sucuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn ayaa waxa ay doonaya in Qadar ay u hoggaansanto dhammaan dalabaadkii loo soo jeediyay ka hor inta aysan wax wada hadal ah la furin waddamadani.