Wasaarada Difaaca ee Uganda oo xaqiijisay in tiro askartooda ka mid ah looga laayay Soomaaliya

Wasaaradda Difaaca dalka Uganda ayaa faah faahin dheeraad ah waxa ay ka bixisay dagaalkii shalay Ururka Al-Shabaab iyo Ciidanka AMISOM, gaar ahaan qeybta Uganda ku dhexmaray Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo khasaare kala duwan geystay.
 
Dagaalkan ayaa ka dhacay meel ku dhow Degaanka Golweyn oo ku yaala inta u dhaxeysa Shalambood iyo Buulo Mareer, kadib markii ay Shabaabku wadada u galeen kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo ka yimid Degaanka Danow, kuna wajahnaa Buulo Mareer.
 
Wasaaradda Difaaca dalka Uganda ayaa sheegtay in weerarkaasi looga dilay 12 Askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Uganda, halka 7 Askari oo kalena Wasaaraddu ay sheegtay in dagaalkaasi looga dhaawacay.
 
Wasaarada Difaaca Uganada ayaa daboolka ka qaadey in ay Gudi u xilsaareen inuu soo baaro sababta uu ku dhacay weerarka khasaaraha intaasi la eg kasoo gaarey Ciidamada,waxuuna kaloo ka shaqeyn doonaa Gudigaas sidii Midowga Africa looga heli lahaa Magdhaw Askarta geeriyootay qoysaskooda,
 
Afhayeen u hadlay ururka Al-shabaab wuxuu sheegay Dagaalkan in ay ku dileen 39 Askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM, qaarkoodna ay nolosha ku qabteen, dhowaana warbaahinta ay u soo bandhigi doonaan.