DAMIIRKII TAHRIIBAY.WQ.Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure)

DAMIIRKII TAHRIIBAY

Marka hore aan kugu salaamo salaanta qaaliga ah ee islaamka (Asslaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu) intaas ka dib Waxaa xanuun joogta ah ku haya garaad dheerta  somaaliyeed iyo inta dareemaysa xanuunka tahriibta dhalinta soomaaliyeed ee sanadkasta iyo bil kasta ku halaagsamaya kuna qaraqmaya badaha si ay u tagaan yurub oo loogu warbixiyey in ay halkaas barwaaqo ka buuxdo, laakiin waxaa iyana xanuun dheeraad ah leh oo mudan in inbadan xooga la saaro inta kale ee damiirkii, dadnimadii, soomaalinimadii iyo wadaninimadiiba ay ka duushay oo ku sifoobay damiir laawe

Maxaan ula jeedaa damiirkii tarhiibay?

Hadba falcelinta bulsho ee shay ama ficil lidi ku ah dhaqankooda,diintooda, afkooda iyo jiritaankooda ayaa lagu cabiri karaa feeyignaanta bulsho ama soo jeedka iyo firfircoonida damiirka bulshadaas.

Haddii aan dib u raacno, ka cabir qaado sida bulshada soomaaliyeed uga falceliyeen arimahan:

  • Qofkasta oo soomaali ah wuxuu ka yeeshay gargaar kiisa koowaad qaramada miidoobay.
  • Baryahaan waxaa baraha bulshada indhodaraandarisay in hargaysa laga furay kaniisad.
  • Waxaa la sheegay mudo ka hor  in magaalada marka laga furay goobo lagu faafiyo shiicada.
  • Waxaa lagu qoray huffingtonpost xog tabin ka hadlaysay “soomaaliya waxay gaday sharafteedii”
  • Dalku guud ahaan wuxuu kaalimaha sare ka gala liiska musuqmaasuqa wadamada caalamka.
  • Waxa ay xuseen hay’adaha qaramada midoobay in afka-soomaaligu uu ka mid yahay luuqadaha dabar go’i doona 100 sano ee soo socda.
  • Qof kasta oo soomaali madax ah wuxuu ka caajisay in uu ku hadlo af-soomaali barax tiran.

Su’aashaydu waa maxaad dareentaa marka aad aragtid kuwan aan xusnay iyo qaar kale oo lamid ah?

BULSHO YABOOH U JOOG AH

Waxaad inta badan aragtaa qof wayn oo soomaaliyeed oo laga warsanayo wartabiyeenada la iska arko ama la iska maqlo oo hadalka ku bilaabaya waxaan hay’adaha waydiisanaynaa gargaar dagdag ah?

Maxaad u malaynaysaa sababta?

Waa marxalad la gaarsiiyey heer uu qofku gaaro ilaa uu garan waayo meel kale oo uu cuskado, waa awoodihii bulshada oo qarsoomay.

Soomaalidu waa dad firfircoon sida cad oo ku wanaagsan shaqada iyo xirfadaha, waxaa cad in dunidu ay manta isku dhaaftay xirfad laakiin waa maxay sababta soomaalida oo sifo ahaan ah dad ku wanaagsan xirfadaha ahna bulsho aad u firfircoon ay wali hagaas u tahay?

Waayo waa bulsho laga indho saabay awoodaheedii oo aan inaba aaminsanayn in ay tahay bulsho leh sifaad toolmoon.

INTIFAACSIGII BULSHADA EE DHULKA , XOOLAHA IYO KALUUMAYSIGA OO HABSAAMAY.

Waxaan leenahay xeeb dheer, waxaan leenahay labo wabi oo waaweyn, waxaan leenahay xoolo tiro beel ah, hadana waxaan nahay bulsho sugta galley sanado badan xaraysnayd oo waliba la isku ihaanaysanayo, waa maxay sababtu?

The guardian ayaa 2016 baahisay xog ay ku xustay “ ma jirto bulsho ku tiirsan caawinaad” markaas waxa ay ka hadlayeen siiriya waxayna sheegeen in aysan macquul ahayn in bulsho ku kaaftoonto caawinaada ay siiyaan hay’adaha caalamiga ahi.

Sidaas awgeed reer siiriya waxa ay xooga  saareen in ay helaan kaabayaal dhaqaale loona hormariyo beeraha si ay u helaan isku filnaansho gudaha ah, aaway damiirkii soomaaliyeed ee xooga saari lahaa beeraha?

Sida ay baahisay VOA 260,000 qof ayaa ku geeriyootay abaartii 2011 ka dhacday soomaaliya, 2017 waxaa sidoo kale ka dhacday soomaaliya abaar adag, sidaas awgeed ma jiraa qorshe ay soomaalidu u leedahay abaaraha laga yaabo in ay yimaadaan iyada oo waliba xaalku sida ka cuslaan karo sababo la xariira is badalka hawada awgeed,mise waxaan sugnaa haydaha caalamiga ah iyaga ayaa ina saacidi doona marka abaartu dhacdee?.

 

Wabilaahi towfiiq

Mahadsanidiin

W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure)

Email:abdelrahmangure@gmail.com