Dhagayso:-Gobolka Hiiraan oo sadex degmo oo cusub lagu kordhiyay

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-shabeele mudane Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay saddex degmo oo ka mid noqonaya degmooyinka Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

 Wareegtadaan ayaa lagu shaaciyay Munaasabad kooban oo uu ka qeyb galay Cali Cabdulaahi Cosoble madaxweynaha Hir-shabeele taasoo ka dhacday magaalada Baladweyn ee Gobolka Hiiraan.

Munaasabadda lagu magacaabay degmooyinkaan ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa Xubno ka tirsan maamulka Hir-shabeele,kan Gobolka hiiraan,qeybhaha bulshada, Saraalkiil ka socotay UN-ka.

Degmooyinka la magacaabay ayaa kala ah  Halgan, Ceel-cali iyo Far-libaax  seddexdaan degmo ee maanta uu magacaabay Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa ka dhigaya degmooyinka Gobolka Hiiraan Siddeed degmo.

Gobolka Hiiraan ayaa hore uga koobnaa shan degmo oo kala ahaa Baledweyne, Buula-barde,Maxaas,Jalalaqsi iyo degmada matabaan.

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka oo faahfaahsan