Madaxwaynaha dawlada Puntand oo Garowe ka dhagax dhigay Akadimiyada Afka Soomaaliga.

Madaxwaynaha dawlada Puntland mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garowe ka dhagax dhigay Xarunta Akadimiyada Afka Soomaaliga taas oo horay madaxwayne Gaas ugu balan qaaday in Puntland laga hirgalin doono.
 
Dhagax Dhiga Xarunta ayaa waxaa kala qayb galay Madaxwaynaha xubno kamid ah golaha wasiirada,xildhibaano iyo maamulka gobolka kan degmada Garowe iyo marti sharaf kale iyagoo dhamaan halkaasi ka sheegay sida ay waxtar ugu leedahay Bulshada Puntland.
 
Madaxweynaha dawlada Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa wuxuu sheegay inay xarunta noqonayso meel lagu ilaaliyo Afka Soomaaliga iyo Buugaagta Qoralka ee lagu qorayo Afka Hooyo.
 
Gaas ayaa wuxuu sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan yahay dhagax dhiga Xarunta Maanta ay ka hirgaliyeen magaalada Garowe.