Sawiro:-Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Safiiro reer Yurub ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay safiirada Dowladaha Ireland iyo Czech Republic ay u soo magacaabeen Soomaaliya.
 
Safiiradan cusub oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Madaxweynaha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya,
 
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Czech Republic u soo magacawday Soomaaliya Karel Hecj.
 
Jamhuuriyadda Czech ayaa muddo dheer wax safiir ah u joogin Soomaaliya, waxaana Safiirkan uu noqonayaa kii u horeeyay ee Soomaaliya u soo magacawdo muddo 30 sano.
 
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Waqooyiga Ireland u soo magacawday Soomaaliya Mr Vincent O’nell.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkii u dambeeyay waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Dhowr Safiir oo dalal dhowr ah u soo magacawdeen Soomaaliya.