Video:-Soomaaliya iyo Hindiya oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Dalka India waxaa booqasho shan maalmood ah ku jooga wafdi ka socda dowladda fadaraalka Soomaaliya oo uu hogaanimayo wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar.
 
Kulammo ay wafdiga la yeesheen madaxda India oo ay ka mid tahay wasiirka arrimaha dibadda ee India Sushma Swaraj ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka badda, burcad badeedda iyo sii deynta maxaabiis Soomaali ah oo boqol ka badan oo xabsiyada dalkaasi ku xiran.
 
Kulamada labada dhinac socday ayaa ugu danbayntii waxay labada Wasiir ku kala Saxiixeen heshiis,kaasoo gogol xaar u noqonaya in maxaabiista Somalida ee ku xiran xabsiyada dalka india marka xukunkoodu dhaco kadib dib loogu celiyo Somaliya ,iyadoo lagu wareejinayo Dawlada Fadaraalka Somaliya,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka