War deg-deg ah:-Qarax xoog leh oo ka dhacay goor dhawayd magaalada kismaayo

Warar goor dhow naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dawlada jubaland,ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ka dhacay meel maqaayada ah oo dadku ay ku qaxweeyaan.
 
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo qasaare xoog leh ayaa ka dhashay qaraxa,balse ilaa iyo haatan si rasmi ah looma xaqiijin karo.
 
Goobta qaraxu ka dhacay ayaa ah goob ay inta badan isugu yimaadaan bulshada magaalada Kismaayo.
 
Ciidama ammaanka iyo mas’uuliyiin katirsan Jubbaland ayaa halka qaraxa uu ka dhacay gaaray.
 
Laosoco wararkayaga danbe iyo waxii war ah ee kasoo kordha.