Madaxweyne Gaas oo Bosaso kusii jeeda iyo mudaharaad kooban oo ka dhacay magaalada

Xoogaa dad ah oo ubadan barakacayaasha Koonfurta Somaliya ka yimid,gaar ahaan kuwa miisaska loo yaqaan waratada wax ku iibsada iyo Baalashlayaal qiyaastiina gaaraya ilaa Kontomeeyo qof oo lasoo abaabulay ayaa si nabad ah ku maray mid ka mid ah wadooyinka dhexmara suuqa Bosaso,iyagoo ku qaylinaya erayo lid ku ah sicir bararka iyo diidmada shilin Somaliga.
 
”Dolar maaha lacagteenu, dooni meyno dhiig miirad iyo erayo kale”ayaa ka mid ahaa erayada ay ku dhawaaqayeen dadka tirada yar ee banaanka usoo baxay.
 
Waxaa goor dhaw la filayaa in uu Bosaso gaaro Madaxweyne Gaas,isagoo kula kulmi doona halkaas wafti ka socda DP World oo ah shirkada la wareegaysa Dekeda Bosaso.
 
Buuqan kooban ee saakay lasoo abaabulay ayaa waxaa ka danbeeya shaqsiyaad maalmahan saxaafada ka hadlyay oo ku andoocanaya in balaarinta Dekeda Bosaso ay saamaynayso Guryo fara badan oo ay sheegteen in ay ku leeyihiin agagaarka Dekeda.
 
Ujeedku mahan diidmo sicir barar ee waa in buuq lagu furo hawsha Dekeda ee socota,balse waxaysan ogayn kuwa soo abaabulay in aysan jirin wax hor istaagi kara balaarinta Dekeda”ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada Bosaso oo idilnews ay wax ka waydiisay arinka.
 
isku soo wada duuboo xili dhaw ayaa la filayaa in dhismaha iyo balaarinta Dekeda Bosaso ay bilaabato.