Madaxweyne Gaas oo hanbalyo ku aadan 1’da August udiray shacabka Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay tariikhdu ku began tahay 01 August 2017 ugu Hambalyeeyey Shacabka Puntland Xuska Sanad Guurada 19-aad ee Asaaskii Dawladda Puntland 1-dii August 1998.

Xafladda lagu xusayey maalintani taariikhiga ah oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee magaalada Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dawladda Puntland, saraakiilka tirsan Madaxtooyada Puntland, xubno ka socdey beesha caalamka, masuuliyiin ka socdey urruradda Bulshada, Isimo, nabadoono, aqoon yahano iyo qaar kamid ah Bulshada magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ugu horayn hambalyo u diray dhammaan shacabka Puntland Xuska Sanad Guurada 19-aad ee Asaaskii Dawladda Puntland darteed ayaa sidoo kale xasuusiyey shacabka Puntland in asaaskii Puntland ay jiraan muwaadiniin usoo halgamay, ujeed kooduna ahaa sidii Puntland u dhismi lahayd uguna talaabsan lahayd horumar, isla markaana u keeni lahayd qaranimo Soomaaliyeed oo Mid ah.

“Waa Sanadguuradii 19-aad ee asaaskii Puntland, waxaan rabaa in aan xasuusnaano inaan leenahay dad asaasayaal ah, waxaan ilaahay ka baryayaa intii dhimatay inuu u naxariisto oo janadii ka waraabiyo inta noolna aan u duceyno inay wanaag ay ku noolaadaan, sidoo kale Puntland jiritaankeeda iyo in ay jirto inay horumarto inay baraarto, inay qurux badnaato dad badan ayaa dhiig u huray, intii difaaceeda ku dhimatay sidoo kale waxaan leeyahay alla ha’unaxariisto oo janadii ha kawaraabiyo’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

‘’asaasayaashii Puntland dabcan ujeedo ayeey lahaayeen, dabcan waxaan wada qireynaa dhamaanteen in hadafkii lalaha lagu gaaray oo ahaa inaan maamul sameysano, inaanu kala danbeyn sameysano, in aanu anagu marka hore noqono nidaam jira dabadeedna aanu u guntano una sacyino sidii Soomaaliya dhibka looga saari lahaa, Sidii Soomaaliya Dowladdnimadeedii iyo Qaranimadeedii ay dib u hanan lahayd,sidii wadajir iyo midnimo Soomaaliyeed lagu gaari lahaa’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in dawladda Puntland gaartey hadafkeedii ahaa in ay dhisato maamul wanaagsan, horumar sameeya, lagu wadda qanco, isla markaana yoolkeedu yahay sidii ay u dhisi lahaayeen Qaran Soomaaliyeed kadib burburkii.

‘’Waxaan is lee’ahay Puntland doorkaas ahaa inay iyadu abuuranto dhisanto, horumarto gaamurto, waa ay gaartay, sidoo kale waxay gaartay in ay dhiig iyo dheecaan iyo juhdi iyo dadaalba u hurto in Soomaaliya dib usoo noolaato’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay Puntland ugu fadhido Soomaaliya iyo sidoo kale masiibooyinka ay Puntland kaga dahaadhantahay Soomaaliya inteeda kale ayaa waxa uu yidhi Madaxweynuhu.

‘’Hadaa eegtaan Puntland meesha ay ku taalo waa garan kartaan, nimanka la yiraahdo Al-Qaacida gacanka carabta waxay joogaan Yemen iyo wixii loo gaaro, cida difaaca u ah dadka Soomaaliya ee xigta ee mar walbo dhibtaasi Soomaaliya ka xigsaneysa Puntland weeye. Cida isku haysa midnimada ee dhextaalka u ah Waqooyiga iyo Koonfur Puntland weeye, taasi waxay keenaysa marka dhibaatooyinka  badan, mid koonfur nagaga yimaada, mid Waqooyi nagaga yimaada iyo mid Bari nagaga yimaada , intuba inay na-saameeyaan waxaan u baahanahay marka in sidaan horeba ugu celceliyey, dabcan cadowgaasi tirada badan wuxuu u baahanyahay in looga gudbo midnimo inshallah waa guuleysanaynaa dalkana waa difaacaneynaa waana horumareyna inshallah’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha yaa tibaaxay in Dawladda Puntland, Soomaaliya ka leedahay hadda siyaasad madaama ay wax badan ku tabacday sidii Soomaaliya maanta heerkan usoo gaadhi lahayd, waxaana uu qeexay Madaxweynuhu doorka wanaagsan ee Soomaaliya kuyeelan karto Puntland iyo waxa Puntland ka tebayso Soomaaliya inay ku kordhiso Puntland.

 ‘’Waxaan rabaa sidoo kale maadaama aan inbadan ku celcelinay, hadafkeenuna uu ahaa dib usoo nooleynta Soomaaliya, waxaa loo baahan yahay xuquuqda wixii aan xaq u leenahay inaanu helno , dabcan Soomaalinimadu inay wax nugu kordhiso weye anaga , inay wax naga dhinto maahan. Waxaan rabaa marka taa inagoo indhaha ku heyna ayaan rabnaa Soomaalinimadii quruxda badneyd, oo aanu naqaanay oo aanu horseedka u aheyn inaanu dib soo celino’’ ayuu yiri Madaxweynuhu

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahadlaya arrimaha dastuurka Soomaaliya ayaa ku dheeraaday muhiimada Puntland uu u leeyahay dib u eegista dastuurka Soomaliya, Waxaana uu Madaxweynuhu ku baaqay in Dastuurka shacabka Soomaaliyeed laga ilaasho dana gaara, isla markaana laga dhiidhiyo in cid gaari ka lahaato mawqif gooniya.

‘’Dastuurka cid gaar ah masameysan-karto, dabcan haday sameysato iyadaa isku dhaqeysee, halkaan cidkale lasoo aadi mayso oo ka hirgelinmayso wax anagu aanaan ku jirin, kow ka aheyn, la soconin, aanaan aragtidayada iyo fakarkayaga , sababtu waxaa weeye feker gaar ah ayeey qabtaa Puntland, aragti ay ka leedahay baa jira Soomaaliya, hadaf ay ka leedahay baa jira Soomaaliya, nooc dowladdnimo oo aanu ka rabno Soomaaliya ayaa jiro, taa ayaan rabnaa heshiiskaasi bulsho inuu ku qoranyahay, Waxaa rabnaa marka in marwalbo laga digtoonaado, la iskana ilaaliyo, in cid gaar ihi ay meel gaar ah ula cararto waa ka digeyna’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa sidoo kale dhankiisa ku dheeraaday muhiimadda ay maalintani u leedahay shacabka Puntland, waxaana uu hambalyo u diray shacabka reer Puntland meel kasta oo ay joogaanba, waxaana uu sidoo kale qiray Madaxweyne ku xigeenku in Puntland ay ka jiraan horumar aan ka jirin Soomaaliya inteeda kale sidaasi daarteedna waxa uu ugu baaqay shacabka Puntland in la ilaashado horumarkaasi wanaagsan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa isna dhankiisa shacabka Puntland la wadaagey farxadda sanad guuradda 19-aad ee ka soo wareegtey aasaaskii Puntland, guddomiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay cid kasta oo hagar-daamaynaysa dib u eegista dastuurka Soomaaliya inay joojiyaan, isla markaana u tudhaan shacabkooda, waxaana uu guddoomiyuhu sheegay in Dawladda Puntland mawqifkeeda ku aadan Dastuurka Soomaaliya cad yahay.

Ugu danbeyntii Madaxwyenaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa illahay uga baryey in sanadka sanadkiisa dawladda Puntland iyo shacabkeedu ku gaadhaan horumar, midnimo , wadajir, amni iyo xasilooni.