Dawlada Fadaraalka ah oo ka baxday heshiisyo ay la gashay shirkado gaar loo leeyahay

Dowlada Soomaaliya ayaa ka baxday heshiisyo ay kula jirtay shirkaddo gaar loo leeyahay oo wada shaqeyn la leh heyadaha iyo ciidamada dowlada.

Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka Maaliyada Somalia C/raxmaan Ducaale Beyle 29-kii bishii hore oo loo diray dhamaan heyadaha dowladda Somalia, laguna wargeliyey Madaxweynaha iyo raisul Wasaaraha Somalia ayaa lagu sheegay in dowlada Somalia ay ka baxday heshiisyadii ay kula jirtay shirkadaha gaarka ah loo leeyahay laga bilaabo 31 July oo ah bishii dhamaatay.

 

 

Halkan hoose ka akhriso:-