Video:-Khasaare ka dhashay diyaarad Ciidamada Jabuti ay leeyihiin oo Burburtay

Shilkani diyaaradeed oo ka dhacay garoonka ay leeyihiin ciidamada Cirka ee dalka Jabuuti ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kadib markii ay bur burtay diyaarad military oo ay saarnaayeen askar katirsan dalkaasi.
 
 Wasiirka difaaca dalka Jabuuti Cali Xasan Bahdoon oo ku hadlayay magaca dowladda Jabuuti ayaa ka tacsiaydeeyey geerida askartaasi.
 
“Anigoo ku hadlaya magaca madaxweynaha, magaca Xukuumadda’ waxaan halkani tacsiyo ugu dirayaa shacabka Jabuuti oo ay ugu tacsiyadeynayno geeridii naxdinta lahayd eek u timid Ibraahim C/llaahi Geele, Hodan Max’ed Yuusuf iyo Ilhaan Max’ed, runtii waa tacsi Qaran, waxay ahaayeen dad naftooda u huray in ay qarankoodi difaacaan” Ayuu yiri wasiirka gaashaandhiha Jabuuti.
 
Co.l Ibraahim C/llaahi Geele ayaa muddo 40 sano ah ka tirsanaa ciidamada militariga dalkaasi jabuuti islamarkaana soo qabtay shaqooyin aad u farabadan wuxuuna ahaa qabiir military gaar ahaan ciidamada cirka , sida uu sheegtay wasaaradda Gaashaandhiga dalkaasi,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka