Video:-Murankii Sh.Somaliga ee Bosaso oo xal laga gaaray iyo Go’aamo la soo saaray

Magaalada Boosaaso kulan ay maanta ku yeesheen maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa waxa ay go’aan kaga gaareen Isticmaalka lacagta Shilling Soomaaliga.
 
Kulanka oo socday saacado ayaa lagu go’aamiyey arrimo badan oo ay ka mid yihiin lacagta la qaadan karo,sarifka lacagaha qalaad iyo arrimo kale oo isla lacagta ku saabsan.
 
Dawlada iyo Ganacsatada kulanka yeeshay ayaa isku afgartay qodobo ay ka mid yihiin:-
A.In dowlada ay qaadan doonto lacagaha Shilling Soomaaliga gaar ahaana kuwa cusub, lagana tagayo kuwa go go’an iyo sidoo kale kuwa duugga ah.
B.In halkii dollar aan laga badin karin 28-kun oo shilling Soomaali ah.
C.In Sariflayaasha Boosaaso loo sameeyo sharci ay ku shaqeeyaan.
 
Eng Yaasiin Mire Maxamuud oo ah duqa magaalada Boosaaso ayaa sheegay in shacabka looga baahan yahay joojinta mudaharaadka isla markaana ka shaqeeyaan nabad-gelyada.
 
Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado ayaa sheegay in cashuurta ay ku qaadayaan lacagta cusub oo keliya islamarkaana aysan qaadan doonin lacagihii hore ee Shilling Soomaaliga gaar ahaana kuwooda duugga ah.
 
Waxaa uu sheegay in wixii maanta ka dambeeya aysan aqoonsanayn sarifle loogana baahan yahay in ay sameystaan aqoonsiyo,hoos ka daawo muuqaalka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka