Video:-Dab weyn oo qabsaday dhismaha dheer Torch Tower

Dab wayn ayaa qabsaday dhismo aad u dheer oo ku yaalla magaalada Dubay ee Isutagga Imaaraadka Carabta, waana markii labaad mudo labo sano gudahood ah.
 
Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dabka oo ku faafaya dhismaha Torch Tower iyo burbur holcaya oo ka soo daadanaya.
 
Xukuumadda ayaa markii dambe sheegtay in shaqaalaha gurmadku “ay ku guulaysteen in ay dadka ka daad gureeyaan dhismaha” dabkii ayaana la xakameeyay.
 
Ma cadda wixii sababay dabka ka kacay mid ka mid ah dhismayaasha ugu dheer dunida.
 
Lama soo sheegin wax dhaawac ah oo dad ka soo gaaray dabkan qabsaday dhismaha Torch Tower, sida ay Twitterka ku soo qoray xafiiska warbaahinta ee Dubai.
 
Wuxuuna intaas ku daray in ay wali socdaan hawlgal lagu bakhtiinayo dabka.
 
Dhismaha Torch ayay waxyeelo ka soo gaartay dab qabsaday 2015kii.
 
Dabaqa Torch Tower ee Dubay
Dhismahan 79ka dabaq ah ayaa la furay 2011kii.
 
Wuxuu ahaa dabaqii ugu dheeraa adduunka ee deegaan ah markii la furayay, laakiin intaas ka dib waxaa ka dul maray lix dabaq oo kale.
 
Waxaa la rumaysan yahay in uu yahay dhismaha 32 ee ugu dheer adduunka, sida ay ku warrantay xarrunta dabaqyada aadka u dhaadheer ee Skyscraper Centre.
 
Waxaa ku yaalla 676 guri. Guryaha labada qol iyo fadhiga ka kooban ee halkaas ku yaalla waxaa lagu iibiyaa in kabadan 500,000 oo doolar.
 
Dadka degan adeegyada ay haystaan waxaa ka mid ah goob lagu dabaasho iyo dhisme siddeed dabaq ah oo gawaarida la dhigto,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka