Video:-Doorashada Madaxtooyada Rwanda oo saakay bilaabatay

Dadweynaha reer Rwanda ayaa saaka oo Jimce ah u dareeraya codbixinta doorashada madaxtooyada, iyada oo si weyn loo hadal hayo in uu ku guulaysan doono madaxweyne Paul Kagame.

Philippe Mpayimana oo ah musharax madax banaan iyo Habineza oo ka tirsan xisbiga Democratic Green Party, ayaa iyaguna ka qayb galaya tartanka. Laakiin midkood na lama filayo in uu tartan adag la geli doono Kagame oo talada dalka hayey ilaa sannadkii 2000.

Madaxweyne Kagame ayaa dalalka dibaddu aragtiyo kala duwan ka qabaan, laakiin taageerada ballaadhan ee uu ka hayso gudaha ayaa suurto gelin karta inuu doorashooyinka guul wayn ka gaadho. Mar baabu qudhiisu codbixinta ku tilmaamay in ay tahay uun hanaan xeerka lagu raacayo ee uu isagu yahay madaxweynaha dalka.

Kagame ayaa lagu ammaanaa kobaca dhaqaale ee xawliga ah ee Rwanda, laakiin dadka dhaliilaa waxay ku eedeeyaan in uu cabudhiyo mucaaradka iyo xorriyadda siyaasadda ee dalka.

Musharaxiinta kale ee ka qayb galaya doorashooyinka ayaa sheegay in taageerayaashooda ay soo food saartay gaca juglayn, laakiin xisbiga talada hayaa wuu beeniyey eedahaas.

Dastuurka Rwanda ayaa wax laga bedelay sanadkii 2015-kii taasina waxay Kagame u sahashay in uu helo fursad uu muddo xileed kale oo todoba sannadood ah ku guulaysan karo sannadkan, iyo laba goor oo dambe oo min shan sanadood ah marka uu taa hore dhamaysto ka dib. Taas oo ka dhigan in uu awoodda hayn karo ilaa sannadka 2034-ka.,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka