Video:-Qarax xoog leh oo ka dhacay magaalada muqdisho caaawa

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kaasoo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada.

Warar horu dhac ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay maqaayad ku dhow Isbitaalka Daaru Shifa iyo Hotel Ambasaador.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo loo maleynayo in banaanka maqaayada la hor dhigay.

Waxaa la soo sheegayaa in qaraxa uu ka dhashay khasaare kala duwan, iyadoo waxyeelo kala duwan ay soo gaartay Gawaari wadada mareysay,hoos ka daawo muuqalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka